Deni: Wax kasta oo Puntland ku xun waxaan ku raadineynaa nabad

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay in xukuumadiisa ay diyaar u tahay wada hadal ay Somaliland kala gasho dhulka Puntland ee ay haatan xooga ku haysato.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad ka qabsoontay magaaladda caasimadda ah ee Garowe, maanta oo Sabti ah, ayaa waxa uu meesha ka saarey in uu shaki ku jiro in ay Puntland leedahay degaanadaasi.

"Shaatigaaga waa lagugu qabsan karaa, dhulka Puntland ee ay Somaliland kusoo xadgudubtey, wadahadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ay ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa," ayuu yiri.

Xafladda ayaa waxaa lagu soo bandhigay buugga Diwaanka Nabadda Soomaaliyeed [Hore, Hadda iyo Hadhow] oo muddo 35-sano ah ay qoreysay aqoonyahanad Prof Deeqa Jaamac Col-u-joog.

"Wax hadda mugdi ku jiro maahan, [balse] in aan wada hadal dhab ah oo nabad ka dhaliya geyiga, diyaar ayaan nahay," ayuu ku daray madaxweynaha oo muujiyey in ay go’an difaaca dhulka Puntland.

Maamuladda deriska ah oo murankooda uu soo taxanaa sanadihii u dambeeyay ayaa isku haya goboladda Sool, Sanaag iyo Ceyn, halkaasi oo maamulo ay u kala joogaan.

"Wax kasta oo Puntland ku xun waxaan ku raadineynaa nabad," ayuu hoosta ka xariiqay madaxweynaha, isaga oo qaar kamid ah walaalaha ku diriraya qaybo kamid ah dalka ku booriyey xoojinta nabadda.

Ugu dambeyntii, mudane Deni ayaa wuxuu ka digay in la dhabaha saxda ah laga leexiyo dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed, taasi oo uu xusay in laga dhaxli karo dhibaato horleh.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM