Deni: Xukun kasta oo lagu rido kiiska Caasha waa la fulin doonaa

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in kiiska Caasha Ilyaasn Aadan uu noqon doono mid ka duwan gal-dacwadeedyadii horey uga soo dhacay degaanada Puntland.

Kiiska Gabahadaan 12-jirka ahyad ayaa naadir ku ah garsoorka dowladda Puntland, maadaama aanan horey loo horgeyn maxkamadaha shaqsiyaad gabar Soomaaliyeed u geystay dil iyo kufsi.

Deni, oo ka hadlayey xiritaanka Shirka Haweenka Puntland todobaadkii hore, ayaa meesha ka saarey in maamulkiisa uu ka cagajiidi doono in ay fuliso xukun kasta oo ay maxkamadu ku rido kiiskaan.

Hogaamiyaha maamulka 20-jirka ah ayaa ku tartarsiiyay garsoorka aysan baalmarin qaanuunka, iyo in aysan naxariis u sameyn shaqsiyaadka ku kacay falkaasi foosha xun ee gilgilay quluubta Umadda Soomaaliyeed.

"Maxkamadaasi waxay [xukunto], ka xukuumad ahaan waanu fulin doonaa … maxkamada waxaa iyagana looga baahan yahay in aysan u naxariisan dadka falkaasi geystay," ayuu madaxweyne Deni yiri.

Maxkamada Darajada Koowaad ee Puntland xarunteeda Garowe oo maanta bilowday dhageysiga Kiiskaan ayaa dib ugu dhigtay illaa iyo Sabtida soo aadan, si dhinacyada dacwadu quseyso u soo diyaar-garoobaan.

Tobban ruux ayaa ku eedeysan kiiskaan oo maxkamada kasoo muuqatay, kuwaasi oo la sheegay in saddex kamid ah ku cad-yihiin dambiga, halka inta kale loo diray baaritaano dheeraad ah.

Dadka u dooda arrimaha Haweenka iyo ehelka marxuumada ayaa dalbanaya in dil toogasho lagu xukumo manaxayaashii faroxumeynta iyo dilka isugu daray Gabadha yar, wallow go'aanka ugu dambeeya ay maxkamadu gaareyso.

Xukuumada ayaa ku cel-celisay in kiiskaan uu taariikh cusub u qori doono Kufsiga ka dhaca Puntland oo inta badan la sheego in aysan helin dhibanayaasha cadaaladii loo baahnaa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM