Dhabancad oo dhaliilay socdaalkii Khayre ee waqooyiga Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland – Ra'iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, oo maalmihii dambe ku sugnaa koonfurta Gaalkacyo ayaa galabnimadii Arbacada tegay waqooyiga magaaladaasi.

Iyadda oo labada dhinac si diiran loogu soo dhaweeyay, xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka kala armiya maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo mas'uuliyiin ay u kala joogaan.

Puntland ayaa waxay wafdi wasiiro ah u dirtay soo dhaweynta wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah, kaasoo safar dheer ku maraya gobolada dhexe ee dalka dhaca Geeska Afrika.

Hasa ahaatee, wax xoogaa is-fahanwaa ayaa dhacay kaasoo ku saabsan qaabka soo dhaweynta iyo qaabilaada Khayre.

Wasiirada Puntland ayaa qorsheeyay hab-maamuus heer sare ah iyo kulamo uu ra'iisul wasaaruhu la yeesho bulshada iyo odayaasha dhaqanka.

Sidda uu saxaafadda u sheegay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Khayre ayaa "diiday" in uu raaco hab-maamuuskaasi ay u diyaariyeen.

Mr Dhabancad oo luqad adag isticmaalay ayaa "mas'uuliyad darro" ku tilmaamay talaabada ra'iisul wasaaraha, isaga oo ka raali geliyey Isimada Puntland "wixii dhacay oo aysan u qalmin".

"Ra'iisul Wasaaraha oo nin saaxiibno aan nahay ah kama aysan muuqan mas'uuliyad ra'iisul wasaarenimo. Cimrigaaga oo dheeraada Geel dhalaayana wuu ku tusaa," ayuu daba dhigay wasiirka.

Dhanka kale, xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya weli kama uusan jawaabin eedeymaha uga timid Wasiir Dhabancad.

Balse tani ayaa kusoo aadeysa xili xiriirka ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadda qaarkood oo aanan wanaagsaneen.

Sikastaba, Khayre ayaa socdaalkiisa gobolada dhexe oo bilowday Dhuusamareeb ayaa qotomay degaanada Galmudug xili la sheegayo in booqashadiisa waqooyiga Gaalkacyo ay ahayd mid aanan horey loosii qorsheen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM