Dhalinyaro Kufsi ka geystay Gaalkacyo oo dil lagu xukumay

Image

GAROWE, Puntland -  Maxkamadda Darajada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta xukun dil ah ku riday shan dhalinyaro ah oo lagu helay inay kufsi wadareed la geystey magaaladda Gaalkacyo, 22-kii Febuary.

Ragga la xukumay ayaa lagu kala magacaabaa; C/risaaq Axmed Cilmi, C/risaaq Cali Cabdi, Yuusuf C/llaahi Xirsi, Ugaas Mire Barre iyo Cismaan Maxamed Cabdullaahi, kuwaasoo dhamaantood ku dhashay magaaladda Gaalkacyo.

Xabsiga Dhexe ee Garowe ayay dhalinyaradan hadda ku xiran yihiin. Kiiskan lama xiriiro Kufsigii Caa'isha Ilyaas, kaasi oo baaritaankiisa wali socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM