Dhameystirka dhismaha Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo billaabanaya

Image

BOOSAASO, Puntland – Wasiirka Amniga Puntland ayaa shaaca ka qaadey in mashaariic horumarineed ay dhowaan ka bilaaban doonaan magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari.

Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in mashaariicda ay kamid yihiin dhameystirka madaarka diyaaradaha Boosaaso iyo horumarinta dekadda caasimada ganacsiga dowlada Puntland.

Gigida diyaaradaha Boosaaso oo wajigii koowaad lasoo gabagabeeyay sanadkii 2016-kii ayaa waxaa maal-gelisay dowlada Talyaaniga iyadda oo ay fulisay shirkad laga leeyahay wadanka Shiinaha.

Mashruuca lagu dhisayo garoonka diyaaradaha Boosaaso waxaa diyaarisay dowladii madaweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, iyadda oo ay hirgelisay xukuumadii Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Xukuumada cusub ee Deni ayaa sheegtay in ay dhameystiri doonto garoonka, kaasi oo haatan u baahan; Terminaalka, qaybta VIP-da iyo adeegyada kale ee ka baxsan halka diyaaradu ku degaan.

Dhismaha Garoonka Bandar Qaasim oo billaabatay December 2014-kii ayaa leh dhabbe diyaaraduhu ku ordaan (Run way) oo dhererkileedu tahay 2.4 KM, meelo laga dukaameysto, aag baabuurta la dhigto iyo xafiisyo socdaalka loogu talogalay.

Talaabada lagu dhameystirayo garoonka ayaa imaaneysa iyadda oo la filayo in garoomada Puntland ay duulimaad toos ah ku timaado shirkada Fly Dubai, taasi oo dhowaan Deni iyo Wasiiro Kula soo kulmeen Dubai.

Dhanka kale, wasiir Gallan ayaa ku nuux-nuux saday in amniga magaaladda ay wax ka qaban doonan, isla markaana xukuumada ay wax walba oo karaankeeda ay ku bixin doonto xasilinta Boosaaso.

"Madaxweynuhu waxa uu amray in wax kasta oo lagu xasilin karo Boosaaso hadey ahaan lahayd dhaqaalo in la bixiyo, waana idin hagar baxnay, dadna ma yara, cid ma eedi doontaa," ayuu ka sheegay kulan amniga looga hadlay.

Amaanka magaalada Boosaaso ayaa haatan u muuqda mid soo hagaagaya, taasi oo ka dambeysay markii ciidamada ay bilaabeen howlgalo lagu adkeynayo nabad-gelyadda oo ay si joogto ah u sameeyaan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM