Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo shir laga yeeshay

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashada Puntland iyo Guddi Hoosaadka Baarlamaanka maamulka u qaabilsan Shuruucda, Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda ayaa maanta oo Isniin ah kulmay.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook ee guddiga doorashooyinka ayaa lagu sheegay in wadahadalka lagu soo qaadey arrimo ay kamid tahay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah iyo wacyigelinta dadka.

Sidoo kale, waxaa lagu xaqiijiyey bayaanka kooban in shirka lagu lafa-guray dhammaystirka xeerarka muhiim u ah coddeynta taariikhiga noqoneysa.

"Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa saaka kulan la yeeshay Guddi Hoosaadka Baarlamaanka Puntland u qaabilsan Shuruucda, Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Warka qoraalka ah ayaa waxaa intaas la raaciyey: "Labada dhinac waxay ka wada wada hadleen arrimaha la xiriira hirgalinta hannaanka xisbiyada badan iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Puntland. Waxay si gooni ah uga wada hadleen dhammaystirka xeerarka, dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah iyo wacyigelinta dadweynaha".

Puntland waxaa ka bilowday u diyaar-garowga doorashooyinka soo aadan qorshuhu yahay in ay noqdaan qof iyo cod, taas oo qayb ka ah barnaamijka xukuumadda hadda jirta ee dimuqraadiyeynta.

Xisbiyo la siiyey diiwaan-gelin ku meelgaar ah ayaa durba bilaabay in ay xafiisyo ka furtaan meelo ay kamid tahay magaala madaxda Garowe.

Hirgelinta nidaamka xisbiyadda badan iyo dimuqraadiyeynta ayaa meesha ka saaraya habka qabiilka ee 4.5 kaas oo ay Puntland kusoo dhaqmeysay tan iyo markii la aas-aasay, balse haatan si weyn looga hor-yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM