Dhisme lagu soo kordhiyey Bangiga Dhexe ee Puntland oo la dhex-dhigay

Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhiyey Bangiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta, Axmed Bashiir Muuse, Maamulka Bangiga Dhexe ee Puntland iyo Injineerro ka socday Shlirkadda fulinaysa mashruucan.

"Runtii sharaf wayn bay noo tahay inaan kasoo qayb galo dhagax dhigga xafladaan iyada oo tilmmaam u ah isbedelka Dowladda Puntland ay tiigsanayso oo ay ugu horayso Hay'adaha dhinaca Maaliyadda ka shaqeeya iyo Horumarkooda Bangiguna uu yahay meesha ugu muhiimsan ee la rabo inay jihayso oo ay ka shaqayso" Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

"Mashruucan waxaan rajaynayaa in uu sida loogu talo galay u fulo, wuxuuna tilmaan u yahay sida ay uga go'an tahay Dowladda Puntland in Hay'adaha Dowladda dib u habayn lagu sameeyo lana tayeeyo" ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Gabagabadii Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdilahi Deni ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Bangiga Dowladda Waxaana uu kulan la qaatay Madaxa Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland.

MUUQAALKA DHAGAX-DHIGA

Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM