Dibadbax ka dhacay Caasimadda Puntland [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Boqolal qof oo rag iyo dumar isagu jira ayaa maanta wadooyinka magaaladda Garowe ee caasimadda Puntlan ka dhigay dibadbax aamusan [Silent protest], kaasi oo looga soo horjeedo Kufsiga kusoo kordhaya degaanada maamulkan.

Dibadbaxayaasha oo watey boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay kamid yihiin; "Cadaalad baan dooneynyaa, Islaamka wuxuu reebay Kufsiga, Hadal dooni meyno, ficil baan rabnaa" iyo kuwa kale ayaa socod ku maray iyagoo aamusan jidadka Garowe.

Banaanbaxa oo loogu magac-daray "Kacdoonka Cadaalad doon" ayaa looga dalbaday dowladda Puntland inay cadaaladda marsiiso kuwii geystay kufsiga dhowr Gabdhood, oo da'doodu aan gaarin 15 sano, kuwaasoo ay kamid ahayd Caa'isha Ilyaas Aadan.

Waxaa dadka mudaharaadka dhigayay la hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ku qanciyay in dowladda ay gacanta ku hayso hadda dhamaan kiisaskii Kufsiga, islamarkaana uu baaritaankooda meel fiican marayo.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Puntland ayaa sheegay in lasoo gabo-gabeeyay baaritaanka Kiiska Kufsiga Caa'isha Ilyaas islamarkaana lagu wareejiyay hay'adda dembi baarista [CID], si ay gal-dacwadeed uga diyaariso.

Kiisas aad u fool xun oo kufsi ah ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ka dhacay Puntland, kuwaasoo qaar kamid ah kuwii geystay xukuno lagu riday, qaarna ay Maxkamd sugiyaal yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM