Diyaarado duqeeyay bartilmaameedyo Daacishta Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland - Diyaarado loo maleynayo kuwa Mareykanka ayaa lagu waramayaa in ay duqeyn diyaaradeed ka geysteen tuulada Togga Siido oo dhacda bariga Puntland, fiidnimadii Jimcaha.

Sidda ay GO u sheegeen gooboogeyaal, weerarka cirka ah ayaa lalal beegsaday bartilmaameedyo ay ku sugan yihiin dagaalamayaal ka tirsan kooxda la magaxbaday dowladda Islaamka.

Fahfaahinta waxyeeladda wali ma cadda. Balse, dadka degaanka ayaa soo sheegaya in ay maqleen daryenka tiro gantaalo ah oo soo ganayaan diyaarada joog hoose ku socday.

Hadii la xaqiijiyo, waxay noqoneysaa duqeyntii lixaad oo uu Mareykanka la beegsado Daacishta ku dhuumaaleysaneysa gobolka Bari ee Koonfurta Soomaaliya.

Weerarada cirka ee ka dhanka ah kooxdaasi argagixisada ah ayaa bilowday bishii April, markaasi oo laga khaarijiyey hogaamiye ku xigeenka, Cabdikariin Dhoqob.

Isbuucii hore gaar ahaan Arbacadii, milatariga Mareykanka ayaa shaaciyey in howlgal ay ka fuliyeen buuraha Golis ay ku dileen laba ka tirsanaa maleyshiyaadka Daacish.

Bishaan May 9-keeda, duqeyn kale oo ka dhacday isla buuraha Golis ee dowladda Puntland ayaa lagu naf-gooyey 13 ka tirsanaa Jihaad-alooslayaasha mitidiinta.

Wadarta guud ee Washington ay ku dishay shantaasi duqeyn oo ay ka fulisay degaanada Puntland ayaa ah 20 dagaalameyaal oo uu ku jiro horjooge Cabdikariin.

Xeel-dheerayaasha amniga ayaa aaminsan in duqeymaha ay cadaadiska kusoo kordhiyaan kooxda, oo ku dhowaad 155-200 dagaalamayaal ah ku haysta gobolka Bari tan iyo sanadkii 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM