Dooni xoolo u sida Imaaraadka Carabta oo ka shareecatay Boosaaso

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Doon sidda Xoolo gaaraya 3,990 neef ayaa habeenimadii Talaadada ka shareecatay dekadda Boosaaso, iyadda oo kusii jeeda waddanka Isu Imaaraadka Carabta.

Tani ayaa qayb ka ah is-faham dhexmaray Puntland iyo xukuumadda Abu Dubai oo ku saabsan in la qaado xayiraado xoolaha ka yimaada Soomaaliya oo caafimaad xumo laga sheegay.

Mas'uuliyiinta ayaa ugu warbixiyey warbaahinta gudaha in xoolahaan la dhoofiyey aad loo hubiyey caafimaadkooda.

Doonidaan shareecatay ayaa noqoneysa tii ugu horeysay tan iyo markii la qaadey xayiraadda oo muddo jirtay kadib dedaalka ay bixisay xukuumada Deni.

Xoolaha ayaa kamid ah ilaha dakhli ee ay ku tiirsan yihiin Soomaali badan. Puntland waa mid kamid ah goboladda dalka dhaca Geeska Afrika ee laga dhoofiyo tiradda ugu badan.

Dalalka Carabta sida; Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka kamid yahay ayaa kamid ah suuqyadda ugu wanaagsan ee xoolaha Soomaaliya laga dhoofiyo oo isugu jira Ari, Lo'da iyo Geella.

Xukuumadda madaxweyne Deni ayaa ku guuleystay dedaal fara badan oo ay u gashay sidii loo qaadi lahaa xayiraadda maadaama muwaadiniin badan ay ku tiirsan tahay noloshooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM