Dooni xoolo u sida Imaaraadka Carabta oo ka shareecatay Boosaaso

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Doon sidda Xoolo gaaraya 3,990 neef ayaa habeenimadii Talaadada ka shareecatay dekadda Boosaaso, iyadda oo kusii jeeda waddanka Isu Imaaraadka Carabta.

Tani ayaa qayb ka ah is-faham dhexmaray Puntland iyo xukuumadda Abu Dubai oo ku saabsan in la qaado xayiraado xoolaha ka yimaada Soomaaliya oo caafimaad xumo laga sheegay.

Mas'uuliyiinta ayaa ugu warbixiyey warbaahinta gudaha in xoolahaan la dhoofiyey aad loo hubiyey caafimaadkooda.

Doonidaan shareecatay ayaa noqoneysa tii ugu horeysay tan iyo markii la qaadey xayiraadda oo muddo jirtay kadib dedaalka ay bixisay xukuumada Deni.

Xoolaha ayaa kamid ah ilaha dakhli ee ay ku tiirsan yihiin Soomaali badan. Puntland waa mid kamid ah goboladda dalka dhaca Geeska Afrika ee laga dhoofiyo tiradda ugu badan.

Dalalka Carabta sida; Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka kamid yahay ayaa kamid ah suuqyadda ugu wanaagsan ee xoolaha Soomaaliya laga dhoofiyo oo isugu jira Ari, Lo'da iyo Geella.

Xukuumadda madaxweyne Deni ayaa ku guuleystay dedaal fara badan oo ay u gashay sidii loo qaadi lahaa xayiraadda maadaama muwaadiniin badan ay ku tiirsan tahay noloshooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM