Deni oo ka tacsiyeeyay geerida "naxdinta leh" ee ku timid Yuusuf Xaaji

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa tacsi tiiraanyo leh waxay u dirtay ehelada iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Yuusuf Xaaji Nuur, gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare Puntland.

Marxuumka oo xanuunsanaa mudooyinkii dambe ayaa waxaa loo geeyay wadankaasi xaalado la xiriira dhanka caafimaad, sidda uu reerkiisa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online.

Sida ay baahisay madaxtooyadda, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu si gaar ah murugada ula wadaagayo dadweynaha Puntland iyo bahdii garsoorka ee uu ka dhintay marxuumka.

WAR-SAXAAFADEEDKA

Dowladda Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur oo Ku geeriyoodey dalka Turkiga.

Alle ha u naxariistee Marxuumku waxa uu Soomaaliya kasoo qabtay Xilal kala duwan, waxa uu ahaa masuulkii ugu horeeyey ee loo magacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland.

Sidoo kale waxa uu qayb ka ahaa bud-dhigayaashii Puntland, isagoona qabtay xilal kale oo muhiim ah, kuwaasi oo uu ugu qareemay horumarka dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu uga tacsiyaynayaa shacabka Puntland, bahda Garsoor iyo masuuliyiinta Maxkamadda Sare geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur, si gaar ah waxa uu tiiraanyada ula wadaagayaa eheladii, asxaabtii qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabrigana u sakhiro, kuna Abaal mariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle ka siiyo eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM