Dowlada Puntland oo xukuntay mas'uul lagu eedeeyay musuqmaasuq

Image

BOOSAASO, Puntland – Agaasimaha Waaxda Kalluumeysiga Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland ayaa Axada maanta ah lagu xukumay saddex sano oo xarig ah.

Maxamed Cali Muuse ayaa "lagu helay" in uu sameystay dukumiintiyo been abuur ah, oo lacagaha laga qaadi jiray Doonyaha iyo maraakiibta ka jilaabata xeebaha Puntland.

Muuse waxay eeda kala dhaxeysay Mahad Cali Carcar, isu duwaha Wasaaradda kalluumaysiga gobolka Garfaduuf, kaasoo la amray in xorriyadiisa loo celiyo markii dambi lagu waayey.

Labadooda ayaa la tilmaamay in lagu xiray magaala madaxda ganacsiga Puntland ee Boosaaso, bishii hore ee Janaayo, 2020.

Xukunsanaha ayaa haysta saddex casho oo uu rafcaan kaga qaadan karo xukunka, oo ay riday Maxkamadda Darajadda Koowaad ee gobolka Bari oo soo afjartay dhageysiga kiiskaan.

Caddeymaha loo cuskaday xukunka Muuse ayaa waxaa kamid ah codad laga qabtay wada sheekeysi uu la yeeshay Carcar.

Abukar Cabdinuur Jaamac, guddoomiyaha Maxkamada, ayaa sheegay in ay "aad ugu qanceen caddeymaha la horkeenay".

Gudoomiye Jaamac oo wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in sidoo kale ay u cadaatay in dukumiintiyadda aanan la isticmaalin.

Puntland ayaa kamid ah degaanada Sooomaaliya ee garsoorku u siman yahay rayidka iyo mas'uuliyiinta, si gaar ah marka ay timaado gal-dacwadeedyada la dagaalanka musuqmaasuqa.

MUUQAALKA XUKUNKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM