Dowladda oo Puntland u gacan-gelisay shaqsi dil ka geystay Qardho

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Puntland ku wareejisay shaqsi ku eedeysan dil 20-ka bishii July ee sanadkan 2019 ka dhacay Qardho, xarunta gobolka Karkaar.

Falkaasi khaarijinta ah oo loo haysto Maxamed Cabdullaahi, kaasoo u baxsaday dhinaca wadanka Yemen ayaa waxaa lagu naf-gooyay Dirir Cabdi Gufure oo kamid ahaa ganacsatada magaaladaasi.

Taliska Ciidanka Booliska gobolka iyo Puntland oo tan iyo xiligaasi ku raad-joogey ninkan ayaa laamaha amniga federaalka iyo maamuladda ka codsaday in ay u soo gacan-geliyaan hadii ay qabtan ruuxan.

Eedeysanaha ayaa habeenimadii Jimcaha waxaa laga soo dejiyay marsadda Boosaaso, isaga oo kamid ahaa tobanaan qaxooti Soomaali ah oo ay xukuumada federaalka dalka kusoo celisay.

Ma cadda qaabka loosoo qabtay ruuxan, wallow warar soo baxaya ay sheegayaan in xubno kamid ah qoyskiisa iyo safaaradda Soomaaliya ee wadankaasi colaaduhu la dageen ay ka wada shaqeeyeen.

Cabdullaahi Xaashi Shuuriye, dajiraha Soomaaliya u fadhiya Yemen, oo la socday doonta "gacan ku dhiiglaha" keentay ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland.

Mas'uuliyiinta oo ka mahadnaqday talaabadaasi ayaa ku tilmaamay mid digniin u ah qof kasta oo dil ka geystay Puntland iyo guud ahaan dalka kaasoo isku daya in uu ka baxsado.

"Talaabadan waa mid taariikhi ah, hadii Soomaaliya qof kasta oo dil geysta sidan loosoo qaban lahaa mar horey nabad noqon lahayd," ayuu yiri mid kamid ah madaxda goobta ka hadashay.

Maxamed Cabdullaahi oo markii lasoo dejiyay la jeebeeyay, lana dhigay xabsiga ayaa waxaa lagu wadaa in Maxkamad lasoo taago, lana marsiiyo hanaanka garsoorka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM