Dowladda Puntland oo been abuur ku tilmaamtay warar laga faafiyey

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa Isniinta maanta ah si adag waxay u beenisay warar ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinada ku hadla afka Soomaaliga.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu horeyn waxay been abuur ku tilmaamtay in degaanada maamulkan ay ka jirto "jahwareer siyaasadeed iyo amni darro".

Cali Xasan Sabarey ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku sifeeyay macluumaadyadda ku saabsan "in madaxweynuhu diidan yahay in lala xisaabtamo".

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xili Tv-ga Universal laga daayey barnaamij loogu magac daray Ra'yiga Dadweynaha oo xaalka Puntland lagu soo qaadey.

Barnaamijkaas ayaa saxafigii daadihiyey wuxuu sheegay in Puntland "ay ka jirto amni daro, jahwareer siyaasadeed iyo cabsigelinta siyaasiyiinta iyo wariyeyaasha"

"Hal qof lama hadleyno [wariyaha], TV-ga dad buu leeyahay, waxaan u sheegaynaa in arrimaha uu ka sheegayo aysan sax ahayn," ayuu u sheegay saxaafada.

Sidda laga soo xigtay Mr Cali, Puntland ayaa waxay ku faaneysaa amni hagagasan, horumar dhaqaale iyo xasilooni siyaasadeed oo meeshii ugu sareeya maraya.

"La xisaabtan la’aan iyo in madaxweynuhu diyaar u ahayn in lala xisaabtamo ayaana iyana ka jirin," ayuu cod dheer daboolka uga qaaday Mr Sabarey.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa haatan wuxuu socdaal dheer ku marayaa gobolada kala duwan ee Puntland, isaga oo dhageysanaya baahiyaha shacabka.

"Wariyeyaal iyo siyaasiyiin lagu xiray baan jirin Puntland," ayuu ku nuux-nuux saday. "Waana been abuu cad taasi," ayuu carabka ku dhuftay.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu wadaa in ay xiriir la sameyso maamulka sarre ee Universal kahor inta aysan soo saarin go’aano ka dhan ah.

"Wixii aan annaga dhexdeena isku qancineyno annaga ayay nootaalaa, waxaan leenahay Tv-ga waxaad Puntland ka sheegeysaa ka fiirsada," ayuu kusoo xiray.

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM