Dowladda Puntland oo digniin kasoo saartay maalgeshiga Forex

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa Khamiista maanta ah waxay digniin cod dheer ah kasoo saartey adeegsiga barnaamijka sarifka lacagaha online-ka ah ee Forex.

Mashruucaan oo ah in dadku maalgeshi ku sameystaan shirkado isla markaana loo sheegayo in ay  heli doonan macaash badan ayaa aad ugu baahay Soomaaliya.

Agaasimaha Bangiga dhexe ee Puntland ayaa muwaadiniinta ku waaniyey in aysan lacagahooda ku darsan "shirkadaha aanan la hubin".

Maxamed Faarax Maxamuud ayaa muujiyey in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqaha shirkadaha Forex ee ka howlgala guud ahaan degaanadda kala duwan ee Puntland.

"Shiraduhu waxay leeyihiin haddaad $500 nagu darsato, waxaanu kaa qaadayna 150$ oo adeeg ah, bil kastana waxaanu ku siinaynaa $220, lacagtaadii lafaha ahaydna waa kuu oolaysaa, muddo kadibna waxaa dhici karta in shirkadaahi yiraahdaan waa khasaarnay, lacagihii aanu ururinayna waa la waayay," ayuu u sheegay Puntland Tv.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu tibaaxay in "daraasad" ku wadaan Forex, isla markaana ay natiijadda soo bandhigi doonan.

Wuxuu hadalkiisa kusoo xiray: "Wixii la hubiyey ee dowladdu hubisay oo shati haysta oo Bangiga xaqiijiyey oo si nidaam ah oo dadka dhaceynin u shaqeysanaya shirkadaha kale ee waddanka ka shaqeysanayo ayay kamid yihiin, laakiin shirkadaha uu [ku tala galkoodu yahay] in ay dadka si dhib yar u dhacaan, waan uga digeynaa shacabka".

Digniinta ay Puntland kasoo saartay Forex ayaa imaaneysa iyaddoo Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland ay mar sii horeysay mamnuuceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM