Dowladda Puntland oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Goodax Barre

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa si adag waxay u cambaareysay hadalkii "aan xirfada ku dhisneyn" ee kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashadda xukuumadda federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre.

Cabdullaahi Maxamed Xasan, wasiirka tacliinta Puntland oo u waramay Radio Shabelle, ayaa xusay in dhawaqa Goodax Barre uu baalmarsan is-afgaradyaddii la gaarey sanadkii lasoo dhaafay ee 2019.

Sidda laga soo xigtay wasiir Xasan, erayadda kasoo yeeray Goodax Barre waxay waxyeelo u geysanayaan mustaqbalkiisa siyaasadeed.

"Wasiirka hadii shahaadadu ay tahay mid uu isagu leeyahay, Cabdullaahi Goodax Barre shahaado gooni u ah ay tahay, isaga ayay qaas u tahay. Laakiin, hadii ay tahay shahaado uu arday Soomaaliyeed leeyahay ha joogo Hargeysa, Boosaaso, Raas-caseyr, Raas-kambooni ama Burco ha joogo, ardaygaas shahaadada isagaa iska leh wasiir Cabdullaahi ma leh," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Arday kasta oo gala imtixaan la yaqaano xaq ayuu u leeyahay in uu helo shahaado, wasiir Cabdullaahi kama hor istaagi karo".

Goodax Barre oo u waramay ee VOA-da ayaa sheegay in ardayda Puntland aysan sanadkan heli doonin shahaadada ay xaq u leeyihiin ee federaalka bixiyo, maadaama imtixaanka federaalka aysan gelin.

Hadaladaas ayuu sheegay markii dhageyste gabar ah kana soo hadashay degaanada Puntland ay Goodax Barre waydiisay su'aal la xiriirta xaalka shahaadada sanadkan maadaama khilaaf uu taagan yahay.

Isagoo sii hadlaya, wasiir Xasan oo dhaliilay qaabka uu Goodax Barre ugu jawaabay su'aashaas ayaa xusuusiyey in nidaamka federaalka uu xeerinayo in maamulada ay si iskooda ah u maamushaan Imtixaanka.

"Goodax Barre waa nin siyaasi ah wuuna garanayaa federaalka, laakiin waa wax laga xumaado in si aan xirfad ku dhisneyn [unprofessional ah] ah ugu jawaabo gabadha oo xitaa qalbigeena uusan eegin, waxayna waxyeeleyneysaa mustaqbalkiisa siyaasiga ah," ayuu kusoo gabagabeeyay.

Sanadkii hore 2019 ayay ahayd markii mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay shaaciyeen in xal laga gaarey khilaafka Imtixaanaadka isla markaana madaxda waddanka fareen in shahaadada la bixiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM