Dowladda Puntland oo xayiraad kusoo rogtay doonyaha kalluumeysiga

Image

GAROWE, Puntland – Kadib shir ay yeesheen Golaha Wasiirada, dowladda Puntland ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqdey in ay muddo bil ah joojisay doonyaha kalluumeysiga ee yimaada dekadaha.

Cali Xasan Axmed [Sabarey], wasiirka warfaafinta Puntland, ayaa xaqiijiyey in xayiraada aysan saameyn doonin marsada Boosaaso, xarunta gobolka Bari ahna magaala madaxda ganacsiga.

Mr Sabarey oo hadalkiia sii wata ayaa tilmaamay in go'aankaan uu la xiriiro ka hortagida caabuqa sidda degdeg ah u faafa ee loo yaqaano Coronavirus.

Xubnaha xukuumadda oo fiidkii xalay uu shirka u godoomiyey madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayuu xusay in ay si wadajir ah iskugu raaceen.

Inta badan doonyaha kalluumeysiga u tega dekadaha Puntland ayaa kaluun ka iibsaday shirkadaha waddaniga ah, waxayna badankooda ka yimaada Iran, oo cudurka laga xaqiijiyey.

Dhanka kale, wasiirka ayaa tilmaamay in la diyaariyey qorsheyaal looga hortagayo cudurka dilaaga ah hadii uu soo gaaro degaanada Puntland, wallow uu ALLE ka rajeeyay in uusan dhicin.

Cudurkaan kasoo bilowday Shiinaha isla markaana ku faafay in ka badan 90 dal ayaa galaaftay 100-kun oo ruux. Puntland waxay ku jirtaa maamulada hirgeliyey dedaalada looga hortagayo xunuunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM