DP World oo lacag ku tabarucday gurmadka fatahaadaha Qardho

Image

QARDHO, Puntland – Shirkadda DP World ayaa waxay toban kun oo Doolar ugu deeqday gurmadka fatahaadaha magaalada Qardho, sidda uu xaqiijiyey Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland.

Xasan Shire Cabdi ayaa hadalkaas ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta gobolka Karkaar ee bariga wadanka Soomaaliya.

"Wasiirka dekadaha wuxuu yiri 'lacag tobban kun oo Doolar baan haynaa,' laakiin wali si rasmi ah nalkuma soo wareejin, marka nagula soo wareejiyo ayaan si rasmi ah u sheegeynaa," ayuu yiri.

DP World ayaa kamid ah shirkadaha maamula qaar kamida dekadaha ugu waaweyn aduunka, oo ay ku jirto tan magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, wasiir Xasan ayaa hoos u dhigay jiritaanka wararka sheegaya in Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ay ka heleen lacag tabarucaad ah oo loogu talagalay Qardho.

Si ay u hubiyaan in ay gaartay dadkii baahida u qabay, wasiirka ayaa ku booriyey mutadhawiciitanta sadaqada baxsaneysa in ay lacagta ku shubaan akoonada ay soo bandhigay dowladda.

"Illaa iyo haatan, waxaan haynaa Hal milyan oo Doolar kana timid Dowladda Federaalka Soomaaliya, 50-kun oo ay bixisay Dahabshiil iyo 20-kun oo ka timid shirkada Hass," ayuu raaciyey.

Sikastaba, Xasan Shire ayaa wuxuu yahay gudoomiye Guddiga dhaqaale uruurinta taakulada Qardho, kaas oo balanqaadey in uu diyaar u yahay isla xisaabtan, hufnaan iyo daahfurnaan maamul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM