Duqa degmada Boosaaso oo joojiyey Bandhig faneed [ DAAWO]

Image

BOOSAASO - Fanaanka magaciisa la yiraahdo Nimcaan Cabdiraxman Xassan Hilaac ayaa Bartiisa Facebook ku shaaciyey in la joojiyey Bandhig faneed uu Bosaso caawa 27 Oct,2017 ku qaban lahaa..

Nimacaan oo Video hal daqiiqo ah soo dhigey bartiisa Facebook ayaa sheegey in Duqa Bosaaso Cabdisalaan Bashiir oo soo martiqaadey markii hore uu joojiyey bandhigaan sababo uusan shaacin isagoo raali galin u jeediyey dadweynihii kasoo qayb gali lahaa xafladaan.

Ma aha markii ugu horeysay ee laga joojiyo fanaaniin bandhig ku qaban lagaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyadoo inta badan talabadaan ay ka timaado cadaadis culimadu saarto maamulada degmooyinka iyo madaxda sare.

Nimcaan Cabdiraxman Xasan Hilaac

Duqa degmada Boosaaso iyo dowlada ayaan weli ka hadlin sababta loo joojiyey bandhigaan uu qaban lahaa Nimacaan Cabdiraxman oo kamid ah dhalinayarada aadka loo dhageysto heesha ay qaadaan.

Magaalada Garowe ayaa waxaa horey looga joojiyey bandhig faneed ay qaban laheyd Nasteexo Indho kaasoo muran badan dhaliyey kadib markii talaabo taas lamid ah ay qaadeen maamulka Somaliland.

Magaalada Boosaso ayaa waxaa ka jira amni xumo ay sababeen kooxaha argagixisada ah "Daacish iyo Al-Shabaab" kuwaasoo dilal iyo baqdin galin u gaysta saraakiisha dowlada iyo dadka kale ee waxgaradka ah.

Puntland oo kamid ah maamul dhidibada loo taagey 20 sano ka hor ayaa waxaa dadka daneeya arimaha fanka waxay dhibaato kala kulmaan iney ka qab-sadaan bandhig faneedyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM