Faahfaahin ku saabsan Khasaaraha Qaraxii Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saacadihii hore ee maanta ka dhacay wado ku dhaw hotel Jubba ee magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Qaraxa oo ahaa miino wadada lagu aasay ayaa lala eegtay Gaari uu leeyahay Gudoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), waxaana ku dhaawacmay saddex Askari oo kamid ah ilaaladda Gudoomiyaha.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha uusan la socon gaariga xilliga qaraxu haleelay.

Qaraxa kadib, ciidamada amniga ayaa goobta gaarey, kadibna sameeyay howlgal kooban, balse lama oga cida loo soo qabtey weerarka oo qeyb ka ah falal lidi ku ah xasiloonida oo ka dhacaya Boosaaso.

Weerarka la doonayay in lagu khaarijiyo Dhedo ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan ay ciidamada qabteen xubno katirsan Kooxaha argagaxisada ee ka dagaalama gobolka, iyadoo uu socdo howlgallo lagu xasilinayo Boosaaso iyo nawaaxigeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM