Gaadiid cunto iyo qaraxyo u waday Daacishta Soomaaliya oo la qabtay

Image

GAROWE, Puntland – Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Puntland [PSF] ayaa gacanta ku dhigay laba gaari oo nooca xamuulka qaad ah kuwaas oo qaraxyo iyo cunto u waday dagaalameyaasha Daacish.

Dharbaaxadan ayay kooxda sheegata Dowladda Islaamiga ah ay kasoo gaartay howlgal qorsheysan oo ciidamaddu ka sameeyeen tuulooyin ku teedsan degmadda Isku-shuban ee gobolka Bari.

Intii dhaqdhaqaaqu socday oo shalay la qaadey, ciidamadda ayaa sidoo kale dilay sideed xubnood oo ka tirsanaa maleeyshiyaadkaas argagixisadda ah.

Saraakiil ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in xubnaha laga dilay xoogaga hubeysan ay qaarkood ku geeriyoodeen duqeyn dhanka cirka ah, qaar kelana lagu toogtay iska hor-imaad fool ka fool ah.

Inta illaa iyo haatan la og-yahay, ma jiro waxyeelo howlgalkaan kasoo gaarey dhanka ciidamadda iyo dadka degaanka.

Qof kamid ah dadka degaanka oo sababo amni uga gaabsaday magaciisa ayaa khadka telefoonka ugu sheegay mareega GO in ciidamada sidda gaarka ah u tababaran Puntland ay wateen hub culus.

"Aad bey u qalabeysnaayeen, waxaad moodeysaa in ay ahaayeen rag soo tabaabusheystay. Annaga xabadaha kaliyaa maqnay iyo araggooda. Ragga ay la dagaalamayeen waxaa nagula sheegay in ay yihiin Daacish. Khasaaro ma arki kareyn," ayuu yiri ruux oo ah qof da' ah.

Dhanka kale, kooxda Daacish ayaanan wali ka hadlin weerarkaan cirka iyo dhulka ee lagu ekeeyay, wallow aan looga baran in ay hadlaan marka ay soo wajahdo guuldaro iyo jab weyn oo noocaan lamida.

Daacishta Soomaaliya oo ku dhuumaaleysta degaanada buuraleyda ah ee maamulka Puntland waxaa hogaamiya Cabdiqaadir Muumin, oo horey uga kamid ahaa Al-Shabaab, balse 2015-kii isaga baxay ururkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM