Gaas oo faragalin ba’an ku haya xulashada xubnaha Barlamanka Puntland

Image

GAROWE - Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa ka shaqeynaya Khilaaf inuu ka dhex abuuro beelaha Puntland kuwaas oo ku howlan bilihii ugu dambeeyey xulashada xildhibaanada Barlamanka Shanaad ee maamulkaan, sidaas waxa ogaadey warsidaha Garowe Online.

Muranka u dhexeeya beelaha oo sii kordhaya ayaa sababey in shaqsiyaad ka tirsan xubna raadinaya kamid ahaansha Barlamanka Shanaad ee Puntland baraha bulshada soo dhigaan iney xildhibaanimada ku guuleysteen  iyagoo tageero ka helaya qaar ka tirsan Nabadoonada beelahooda.

Gaas ayaa beelaha uu isleeyahay waxay xulanayaan xubno aan isaga tageersaneyn ayaa sida xogtaan sheegeyso waxaa uu u  dirayaa shaqsiyaad kale oo ku qabsada si murankooda u yimaado guddiga khilafaadka.

Guddiga xalinta khilafaadka oo aan weli la magacaabin ayaa waxaa magacaabistiisa sameeya Madaxweynaha isagoo kale tashanaya musharaxiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

” Musharaxiinta Puntland ayaa u muuqda kuwa aan muhiimad gaar ah siineyn magacaabista gudigaas xilli uu socdo qorshe Cabdiweli Gaas damacsan yahay inuu ku boobo doorashada.” Sidaas waxaa GO u sheegey  Qof aad uga warhaya doorashada Puntland.

Gaas ayaa dhinaca kale saraakiil ka shaqeysa  xaafiiskiisa u direy iney beelahooda ka doontaan xubinimada Barlamanka Puntland kuwaas madax-dhaqameedkooda uu culeys siyaasaded ku saarey in la siiyo ogolaanshaha ay kaga mid noqonayaan aqalka wakiilada.

Madaxweynaha waqtigu ka sii dhamaanayo ayaan weli ku dhawaaqin musharaxnimadiisa iyadoo dadka la socda siyaasadiisa u sheegeen warsidahaan inuu ogaanayo inta ay leegtahay tageersadiisa iyo tirada xildhibanada uu gasshan karo Barlamanka cusub ee soo socda.

Puntland ayaa waxaa ka dhacaya doorashada Madaxweynaha sanadka soo socda bilowgiisa iyadoo ay ku tartamayaan xilkaan musharaxiin farabadan.

Gaas ayaa mudadii uu Puntland Madaxweynaha ka ahaa waxaa maamulkiisu noqdey kii ugu misuqmaasuqa badnaa islamarkaana waxaa burbur baaxad leh ku yimid hay’adihii Dowlada gaar ahaan kuwa amniga.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM