Gaas oo faraha kula jira doorashada afhayeenka Barlamanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Magaaladda Garowe waxaa ka socda tartanka xilka Gudoomiyaha Barlamanka Puntland. Xubnaha ku loolamaya ayaa xodxodasho ugu jira helitaanka kalsoonida Xildhibaanada.

Sharcidejiyeyaasha cusub ayaa mudada tobanka bilood ah ee ay shaqeynayaan waxaa weli saameyn ku leh doorashadii xilka Madaxweynaha ee Jan 8,2019.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Cali Gaas ayaa waxa uu si toos ah ugu soo biirey ololaha loogu jiro xilka Afhayeenka Aqalka Wakiilada, sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Gaas oo taleefanka kula soo hadlaya Xildhibaanada qaar ayaa, sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan, codsanaya in afhayeenka loo doorto mid kamid ah musharaxiinta xilkaas doonaya.

Xildhibaanada saldhiga u ah ololaha Gaas kuwaas oo Garowe ka hagaya ayaa ah xubnihii codka siiyey madaxweynihii hore ee Puntland intii socotay doorashadii u dambeysay.

Xubanahaan ayaa rajo ka qaba iney saameyn siyaasdeed ku yeeshaan gudoomiyaha cusub ee aqalka wakiilada Puntland kaas oo ah qofka sadexaad ee ugu awooda badan Puntland.

Gaas oo xisbi siyaasadeed kula jira Shariif Xasan ayaa dadaal ugu jira sidii uu saameyn ugu yeelan lahaa siyaasada Puntland marka la gaaro doorashada la filayo in lagu soo xulo xildhibaanada labada aqal ee Barlamanada Federaalka.

"Barlamanka Puntland oo tan iyo intii la soo doortey ku jirey khalkhal siyaasadeed ayaa u baahan xasilooni siyaasdeed," sidaas waxaa GO u sheegey siyaasiyiin ku xeeldheer arimaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM