Gaas oo gudoomiye magacaabey xilli mudo xileedkiisu dhamaadey

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sameeyay xilka cusub magacaabey xilli mudo xileedkiisu uga hartay 17 maalmood.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Gaas ayaa gudoomiye cusub loogu magacaabey gobolka Mudug, qeybta Puntland ay maamusho, iyadoo go'aankan uu yimid kadib talo soo jeedin uga timid Madaxweynaha wasaaradda arrimaha gudaha.

Qoraalka laguma sheegin sababta xilka looga qaadey gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug, Xasan Khaliif Abgaal, isna kama uusan hadlin mas'uulkan xilka qaadista lagu sameeyay.

Tani ayaa qeyb ka ah magacaabid is-daba joog ah oo uu sameynayay Gaas mudooyinkii dambe markii ay soo dhawaatay doorashada Puntland, islamarkaana uu sii dhamaanayso mudadii shanta sano ee xafiiska uu joogay.

Dadka uu xilalka u magacaabayo Madaxweyne Gaas ayaa la sheegay inay yihiin shaqsiyaad ay isku dhaw yihiin, oo uu horey balan-qaadyo xileed ugu sameeyay markii uu talada Puntland la wareegay 2014.

Mudadii shanta sano ee uu Gaas xafiiska joogey, Puntland ayaa waxaa ka dhacay weeraro argagaxiso oo taariikhda hore uga dhicin, iyadoo maamulkiisa lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo inuu bixin waayay mushahaarka ciidamada amniga.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM