Gaas oo Ka Hadlay Doorashada Puntland, Qoraal-na Soo Saarey [AKHRI]

Image

GAROWE - Madaxweynaha waqtigu ka sii dhamaanayo Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa qoraal uu ku saxiixan yahay kasoo saarey xafiiskiisa kaasoo uu kaga hadlay dalab uu ku sameynayo in qoondo laga siiyo Barlamanka Shanaad ee Puntland Haweenka.

Warqadaan oo ku taariikhaysan 29 October, 2019 ayaa Madaxweyne Gaas waxaa uu kaga codsanayaa Issimada iyo Nabadoonada reer Puntland in dumarka laga siiyo Barlamanka soo socda qoondo Xildhibaano ah ee gaareysa 30%.

Beelaha Puntlaand oo gudaha kaga jira xulshada Xildhibaanada ayaa inta badan aan ogoleyn in dumarka ay qaybtooda ka siiyaan xubnaha aqalka Wakiilada.

Qoraalka Cabdiweli Maxamad Cali Gaas uu kaga hadlay doorashada Puntland arrimo khuseeya ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey tan iyo intii aqalka Wakiilada soo saareen lifaaq xusaya in maamulkaan doorasho galayo bilowga sanadka soo socda.

Dumarka reer Puntland ayaa asbuucyadii ugu dambeeyey wadey kulamo ay la qaadanyaan madaxda dhaqanka iyo maamulka iyagoo codsanayey in qaybtooda laga siiyo xubnaha Barlamanka soo socda.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa maanta taliyaha qaybta gobolka Nugaal u magacaabey taliye ku xigeenkiisa Madaxtooyada Xasan Camaq- Talaabadaan ayaa daba socotey isbadalo maalmhaan xafiiska madaxtooyada ku sameynayey saraakiisha ciidamada.

Taliyaha ciidamada Puntland Siciid Dheere ayaa maalintii shalay ku dhawaaqey inuu musharax u yahay doorashada Madaxweynaha ee oo socota iyadoo saacado kadib xilka uu ka qaadey Cabdiweli Cali Gaas.

HOOS KA AKHRI QORAALKA LAGU CODSANAYO QOONDADA DUMARKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM