Gaas oo magacaabey Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada [Akhri Liiska]

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaadey ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland.

Magacaabista ayaa lagu shaaciyay Digreeto xeer Madaxweyne, oo kasoo baxday xafiiska Gaas maanta oo Isniin ah [December 03 2018], taasoo lagu soo bandhigay guddi 8 xubnood ka kooban, oo gudoomiye looga dhigay Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre.

Musharixiinta Puntland wali kama aysan hadlin magacaabistan, balse bayaan ay dhawaan soo saareen ayaa waxay uga soo horjeysteen warqad uu soo saarey Gaas, oo ku saabsan jawdalka xulista Xildhibaanada cusub iyo doorashada madaxweynaha.

HALKAN KA AKHRI LIISKA MAGACYADA GUDDIGA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM