Gaas oo Ruqseeyey Saraakiil ka Mucaaradey Saxaafada [AKHRI]

Image

GAROWE- Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Ruqseeyey 7 Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishda Puntland kuwaaas oo dhawaan warbaahinta ka soo muuqday iyagoo dhaliilay hogaaminta madaxwayne Gaas isla markaana sheegay in ka soo horjeedaan Shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada Digreeta lagu ruqseeyey saraakiisha ayaa sidan u qornayn.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 25 October 2018 ka Rukhseeyey Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland 7 iyadoo dhinaca kale maamulkiisa ruqsadii kala noqdeen talefishinkii baahiyey hadalkooda.

Talaabada Gaas ka qaadey ciidankaan ayaa ku soo beegmeysa xilli saraakiil xilal sare ka haysa qaar ka tirsan hay’adaha amniga u sharaxan yihiin xilka Madaxweynaha Puntland kuwaas oo olole aan qarsooneyn kawada magaalooyinka waaweyn ee maamulkaan.

Ujeedo: Rukhso Saraakiil

Laga bilaabo 25 October 2018 waxaa Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland laga Rukhseeyey (7) Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta kadib marka ay ku kaceen falal lid ku ah jiritaanaka Puntland iyo anshaxa ciidannimo, kuwaas oo kala ah. 

1. G/Sare Jaamac Axmed Maxamer (Luujito)

2. G/Sare Maxmed Cali Qase

3. G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax)

4. G/Sare Cabdirsaaq Aadan Cali (Dhancad)

5. G/Dhexe Cabduqaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro)

6. G/Le Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab)

7. Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo)

Fulin Wacan

-DHAMMAAD-

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM