Gaas oo sii kala qaybiyey gobolka Sool xilli doorasho

Image

GAROWE- Kulankii Golaha Wasiirada Puntland isugu yimaadeen 6 Dec, 2018 ayaa qoraal kasoo baxay waxaa lagu magacaabey gobol la yiraado Taleex. 

Degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool ayaa magaalo madaxdiisa Laascaano waxaa gacanta ku haya maamulka Somaliland.

Magacaabista gobolkaan ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilli madaxweyne Gaas muddo xileedkiisa ka dhiman tahay muddo bil ah.

Gaas oo ku guuldareystey hogaaminta Puntland Shantii sano ee lasoo dhaafey ayaa magacbistan ujeedkeedu tahay sidii uu codad uga heli lahaa xildhibaano ka soo jeeda degmadaas.

Dhinaca kale kulankaan ayaa Yagoori oo ku jirta gacanta maamulka Somaliland waxaa loo magacaabey degmo.

Madaxweyne Gaas ayaa inta uu talada Puntland hayey maamulka Somaliland waxa uu qabsadey tuulada Tukaraq oo aheyd goob istaraatiji ah islamrkaana muhiim u aheyd degmada Taleex kamid ahaanshaheeda mamaulkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM