Gaas oo Taliye Booliis magacaabey xilli waqtigu ka dhamaanayo

Image

GAROWE- Kadib markii maanta 28 October,2017 taliyihii ciidamada Daraawiishta isu sharaxay xilka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa wareegto lagu magacaabayo taliyaal kale kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha waqtigu ka sii dhamaanayo.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa taliyaha Booliiska Puntland u magacaabey Muxayadiin Axmad Muuse oo asbuucyadii lasoo dhaafey isku hayey xilalka taliyaha qaybta iyo xasilinta magaalo madaxda Garowe.

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Puntland

Magacaabistaan ayaa lu timid hab-qaybsiga qabiilka madaama Siciid Dhere iyo Muxayadiin kaasoo wada-jeedaan beelaha u badan gobolka Nugaal.

Gaas ayaa Taliyaha ciidamada Daraawiishta u magacaabey nin ay isku beel yihiin kaas oo mudooyinkaan ku sugnaa magaalada Garowe.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u shaaciyey in Gaas qorsheynayo inuu shaqada ka qaado xilka iyadoo taliye Siciid iyo madaxa sare ee Puntland xiriirkooda xumaadey.

Wareegtada Taliyaha booliiska lagu magacaabey ayaa u qorneyd sidatan:

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 October 2018 magcaabay Taliayaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr.158 October 28, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa S/Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse loo magacaabay Taliaya Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

2. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM