Gaas oo xalay Gudoodi Kaga Baxay Magaalada Garowe

Image

GAROWE- Madaxweynaha xilku ka sii dhamaanayo Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa saaka waaberigii ka baxay xarunta Madaxtooyada magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Warsidaha Garowe Online oo isku taxaluujiye inuu wax ka ogaado safarka Gaas ayaa loo sheegey inuu aadey tuulo ku taal xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Lama oga sababta keentey safarkaan deg deg ah ee aan horey loo sii qorsheyn balse ilo ku dhow ayaa Garowe Online u sheegey inuu booqasho ugu tagey Hoyadiis oo ku sugan Tuulo la yiraahdo Dameeajoog. 

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Cabdiweli Gaas uu halkaas ugu tagayo dad uu si gaar ah ula tashado xiliyadaan oo kale kuwaas ku sugan degaanada dariska la ah xadka Soomaaliya la wadaago Itoobiya. 

Safarka Gaas waxaa sidoo kale uu ku soo beegmay xilli maanta galinka dambe la sugayo in Guddiga xalinta khilaafaadka soo gudbinayaan magacyada Xildhibaanada cusub ee Puntland.

Madaxweynaha xilku ka sii dhamaanayo oo Shantii sano ee la soo dhaafey lagu eedeyey Musuqmaasuq ayaa sida xogo lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu ka cabsi qabo inuu ku guulaysan waayo doorashada madaxtinimada ee la filayo iney maamulkaan ka dhacdo bisha January Sideedeeda 2019.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole oo habeenkii xalay la hadlay saxaafada ayaa sheegey in Cabdiweli Gaas aysan aheyn inuu isa sharaxo madaama uu mudadii xilka hayey ku hogaamiyey maamulkaan musuqmaasuq.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM