Garowe: Ciidamada ammaanka oo amar la dul-dhigay

Image
Image
Image
Shaqsiyaadka isku haya colaad beeledyada ayaa sidoo kale waxaa loo diray digniin.

GAROWE, Puntland - Taliyaha Qaybta Booliska gobalka Nugaal G/Sare, Xussen Cali Maxamuud, ayaa ciidamada sugaya amniga Caasumada kula hadlay saldhiga dhexe ee Garowe.

Kormeerkan oo ahaa mid aan horay loosii qorsheyn ayaa taliyaha waxaa ku wehliyey gudomiyaha gobalka Nugaal, Taliye ku xigeenka qaybta iyo sarakiil Kale

Gaashaanle Sarre Maxamuud ayaa ciidamada kula dardaarmay inay adkeeyaan amniga magaaladda bulshadana si wanaagsan ula shaqeyaan oo ay u dhimriyaan.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sido kale wuxuu ciidamada ku tartarsiiyey inay xoojiyaan la-dagaalanka mandooriyaha oo bulshadda sameyn wayn u gaystay.

Dhanka kale, taliyaha ayaa sheegay inay jiraan dad ka faa'idaysanaya dirirta beelaha walaalaha ah ku dhexmartay oo raba inay magaaakada Ka Dhex abuuran khal-khal galin amni.

"Shaqsiyaadkaas waxaan ku haynaa il gaar ah. Waqtigii ay noqotaba waxaan ka qaadi doonaa talaabo rasmi ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay taliye Xussen Cali Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM