Habka ay Soomaaliya uga gudbi karto marxalada kala guurka oo laga doodey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay kulanka 4-aad ee Doodaha looga hadlayo habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya uga gudbi karto marxalada kala guurka.

Kulanka oo ay kasoo wadashaqeeyeen Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Hay’adda PDRC, waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynihii hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Senator Cabdirisaaq Juurile, Xildhibaanad Sacdiya Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Siyaasiyiin hore xilal ugasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliyaba, Ururada Bulshada, Haween iyo Dhallinyaro.

Waxaa kulanka looga dooday hanaanka Doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomi kara, Iyadoo lagu saleynayo caqabadaha iyo fursadaha jira, Doodaha noocan oo kale ah yaana sii socon doona illaa ugu danbeyn ay kasoo baxdo aragtida Puntland ee nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu yahay in ay noqoto qof iyo cod, balse waxaa la gelinayaa shaki haddii ay dhici karto, iyaddoo la cuskanayo diyaar-garow la'aan iyo xaaladda amni ee waddanka.

Baarlamaanka federaalka ah ayaa todobaadyadda soo aadan la filayaa in ay go'aan ka gaaraan arrimaha is-barkan ee ku geedaaman coddeynta, iyaddoo ay isa soo tarayaan digniinaha ku saabsan muddo korors.

Sharciga doorashooyinka oo xeer-dejinta dalka ay meelmarisay waxaa qaadacay qaar kamid ah maamuladda iyo siyaasiyiinta dalka, iyagoo sheegay in ay ku jiraan qodobo "xalaaleynaya waqti ku darsi".

Beesha Caalamka oo balanqaadey in ay diyaar la tahay taageero kasta oo la xiriirta dhanka doorashooyinka ayaa soo jeedisay in aysan waqtigeeda ka dibmarin doorashooyinka, taas oo bud-dhig u ah dimuqraadiyadda waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM