Garowe: Sababta loo fujiyey boorarka RW Rooble?

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Sida laga arkey baraha bulshada dowlada hoose ee magaalada Garowe ayaa amar ku siisey Booliiska in la fujiyo boorar loo dhajiyey Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya.

Warsidaha Garowe Online oo isku dayey inuu sababta ogaado ayaa saraakiil ka tirsan dowlada hoose ee Garowe waxay u sheegeen in xafiiska maamuska "Protocol" RW Rooble uusan marin wadadii saxda aheyd islamarkaana aysan ku wargalin dowlada hpose iney damacsan yihiin dhajinta boorarkaan.

"Xafiiska Protocol RW ayaa isaga oo aan soo ogeysiin dowlada hoose ee Garowe ayaa tagey goobaha madbacadaha kadib dad u xilsaartey in laga taago boorarkaan qaybo kamid ah magaalada." Sidaas waxaa GO u sheegey sarkaal ka tirsan dowlada hoose ee Garowe.

Wararka ayaa sheegaya in arinkaas la xaliyey kadib markii xubno ka socdey Xafiiska RW qirey iney khalad aheyd talaabadaan.

Wararka ayaa sheegaya in wadahadal ay wada-yeesheen xubno ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo Xafiiska RW la saxay qaladkii dhacey Lana fasaxey in dib loo dhajiyo boorarkii.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM