Garowe: Tababarka Marwo Caafimaad oo lasoo gabagabeeyay

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Tababar caafimaad oo muddo tobban cisho ah uga codsaday Garowe, caasimadda Puntland, haween ka kala yimid goboladda Nugaal iyo Sool, ayaa Arbacada maanta ah lasoo afmeeray.

Mutadhawaciinta "Marwo Caafimaad" oo loo tababarayo degaanadda ay dhakhaatiirtu gaari karin ayaa la baray qaabka ay isugu xirayaan bulshadda qeybaheeda kala duwan iyo dhakhaatiirta.

Ka qeybgaleyaasha ayaa la siiyey aqoon ku saabsan sidda loola tacaalo Shuban biyoodka, hooyadda umusha ee dhiig-baxeysa, xanuunada dhimirka sida; waalida, iyo daaweynta caruurta.

Intii ay ku guda jireen qaadashadda casharadda, waxaa lagu buraarujiyey in ay ku wacyi geliyaan bulshadda in aan la takoorin dadka qaba cudurada.

Qaar kamid ah haweenka qaatay tababarkan oo la hadlay Garowe Online ayaa shaaciyey in marka ay dib ugu laabtaan tuulooyinkooda ay dadweynaha uga faa'iideyn doonan wixii ay barteen.

Maxamed Jaamac Xirsi, isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee gobolka Nugaal, ayaa u mahadceliyey dhamaan hay'addaha kala duwan ee ka qeyb-qaatay fulinta tababarkan.

Tababarka Marwo Caafimaad oo xoojinaya qorshaha xukuumadda ee daryeelka bulshadda iyo gaarsiinta adeega dowladeed ayaa laga fuliyey goboladda kala duwan ee hoos-yimaadda dowladda Puntland.

MUUQAALKA TABABARKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM