Garsooreyaashii maxkamadaha iyo xeer-ilaalintii Mudug oo la rukhseeyey

Image

GAALKACYO, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu kala diray gebi ahaanba gorsooreyaashii ka howlgelayey maxkamadaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland.

Gorsooreyaasha shaqada laga eryay ayaa waxay ka howlgalayeen Maxkamadaha Darajada Koowaad iyo tan Racfaanka ee gobolkaasi.

Sidoo kale, mudane Deni ayaa wuxuu si lamid ah rukhseeyay Xeer-ilaalinta Gobolka Mudug, sidda lagu shaaciyey wareegto madaxtooyada kasoo baxday.

Maxamed Maxamuud Jaamac ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabey Gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee magaaladda Gaalkacyo.

Jaamac ayaa wuxuu garsoore ka ahaa maxkamada darajada degmada Xarfo ee hoos-timaada gobolka Mudug.

Talaabadaan ayaa qayb ka ah go’aano kasoo baxay shir maanta magaala madaxda gobolka Mudug ku dhex-maray madaxweynaha Puntland, wafdiga ku wehliyey socdaalkiisa iyo mas'uuliyiinta heer gobol.

Go’aanada kale ee kulanka kasoo baxay oo daarnaa wax ka qabashada tabashooyin ka jira dhanka amniga, maamulka iyo cadaalada ayaa loo saarey Guddi, kaasi oo dib u habeynta ka shaqeyn doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM