Golaha Wasiiradda dowlada Puntland oo meelmariyey xeer cusub

Image
Image

GAROWE, Puntland – Golaha Wasiirada dowlada Puntland oo Sabtida maanta ah kulan ku yeeshay magaaladda caasimada ah ee Garowe ayaa ansixiyey Xeerka Isgaarsiinta oo ay u soo gudbisay Wasaarada Warfaafinta.

Xubnaha xukuumada ayaa la wariyey in ay ka doodeen Xeerka kahor inta aysan codka u qaadin. Meelmarinta kadib waxaa loo gudbin doonaa baarlamaanka oo waajibaadkiisa dastuuriga ah ka gudanaya.

Sidda ay sheegtay Madaxtooyadda, xeerkan wuxuu wax badan ka bedeli doonaa shaqada iyo la tacaalida isgaarsiinta degaanada Puntland.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shir-gudoomiyey kulankaan oo ay kasoo muuqdeen inta badan Wasiiradda Golaha.

Mudadii kulanku socday waxaa qodobada looga hadlay kamid ahaa; amniga guud, dhisidda Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Galdogob iyo Bursalaax, xaalada Ayaxa iyo midaynta Akoonada Dowladda.

Dib u habaynta mushaharka shaqaalaha iyo dhismaha garoomada kubadda Cagta Puntland ayaa si lamid ah ku jiray qodobada lagu jeex-jeexay.

Deni oo ku bogaadiyey hay'addaha dowliga ah in shaqooyinkooda ay ku saleeyeen qorshaha xukuumadda ee dimuqraadiyeynta Puntland ayaa wuxuu ku tartarsiiyey in wax-qabadkooda ku saleeyaan baahida dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM