Golaha Xukuumada Puntland oo ansixiyey xeer muhiim ah

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda dowladda Puntland.

Kulanka oo ka qabsoomey Madaxtooyadda magaaladda caasimada ah ee Garowe ayaa waxaa kasoo qeybgalay inta badan xubnaha Laanta Fulinta.

Wasiiradda oo ugu horeyn fahfaahin la xiriirta ammaanka dalka ka dhageystay Wasaaradda Amniga ayaa bogaadiyey warbixinta oo sheegtay in nabad-galyadu ay hagagasan tahay.

Wasaaradda Tacliinta oo ka warantay shaacinta natiijada Imtixaanka Shahaadiga Puntland ayaa waxaa madaxweynuhu u hambalyeeyay Ardayda oo natiijo wanaagsan shaqeystay.

Goluhu wuxuu cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey Xeerka Maareynta Dhulka Magaalooyinka kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Guryenta dowladda Puntland.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Duulista Hawada ayaa shaaca ka qaadey in ay isu diyaarineyso soo dhaweynta duulimaadyo caalami oo Puntland ka bilaaban doona.

Duulimaadka ugu soo horeeya ayaa wuxuu noqon doonaa Ethiopian Airlines, taasi oo 15-ka bishan July 2019 duulimaadyo joogto ah ka hirgelineysa Garowe iyo Boosaaso.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM