Goleyaasha xeer-dejinta Soomaaliya oo codsi u diray beesha caalamka

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Kadib shir si wayn loosoo agaasimay oo saddex casho socday oo ay yeesheen afhyeenada goleyaasha xeer-dejinta Soomaaliya kaasi oo maanta lasoo gabagabeeyay ayaa laga soo saarey war-murtiyeed.

Sidda ku cad bayaanka, dhinacyadda ayaa isku raacay in ay yeeshaan iskaashi cusub oo ku saleysan is-fahan iyo wadashaqayn dhab ah.

Gudoomiyeyaasha ayaa bogaadiyay go’aanadii kasoo baxay shirkii guddiga dib u eegiska dastuurka ee lagu soo gabagabeeyay Kismaayo.

Xukuumada federaalka iyo kuwa maamulada ayay ku tartarsiiyeen qaybo tirka dastuurka, dhameystirka federaalka iyo qabsoomida doorashada 2020-ka.

"Goleyaasha xeer-dejinta waa in ay door muuqata ku yeeshaan geedi u socodka arrimaha doorashooyinka," ayay isku raaceen.

Deeq-bixiyaasha ayay ka codsadeen in ay kordhiso taageerada maaliyadeed oo siiso Goleyaasha Xeer-dejinta si ay ugu dardargeliyaan howlaha horyaala.

Afhayeenada ayaa isku afgartay in kulamada Goleyaasha xeer-dejinta dalka oo aan qabsoomin sanadkii hore 2018 la qabto hada kadib sanadkiiba laba jeer.

Sidda ku cad war-murtiyeedka, kulanka soo aadan waxaa lagu qaban doonaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isbuuca koowaad ee bisha October 2019.

Ugu dambeyntii, waxay afhayeenada dowlad goboleedyadda uga mahad-celiyeen gudoonka Golaha Wakiilada Puntland soo dhawayntii diiraneed ee loogu sameeyay xarunta gobolka Nugaal.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM