Gollaha Wasiiradda Puntland oo la dhaariyay iyo Deni oo la kulmay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Gollaha Wasiiradda cusub ee dowladda Puntland ayaa maanta oo Talaado ah lagu dhaariyay Madaxtooyadda magaaladda Garowe.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Karaash, gudoomiyaha Maxkamadda sare, Dr Yuusuf Xaaji Nuur iyo mas'uuliyiin kale ayaa goobjoog u ahaa munaasabadda dhaarta Wasiiradda.

Waxaa la dhaariyay 44 xubnood oo isagu jira wasiirro, ku xigeenno iyo Wasiiru dowliyaal, iyadoo ay goobta ka maqnaayeen, oo aan wali la dhaarin 4 wasiir oo la sheegay inay cudur-daar uga maqnaayeen dhaarinta.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland Dr Yuusuf Xaaji Nuur ayaa dhaariyay Gollaha Wasiiradda cusub ee uu soo magacaabey Madaxweyne Deni kuwaasoo lagu wado inay hortagan Gollaha Wakiiladda, si ay u waydiistaay codka kalsoonida.

Dhaarta kadib, Deni ayaa kulan la qaatay Gollaha Wasiiradda cusub, waxaana uu madaxweynuhu kula dardaarmay Wasiirada in ay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba.

Madaxweynaha uga digay Wasiiradda waxkasta oo xagal-daacinaya shaqadooda, waxuuna Alle uga baryey Xukuumadda cusub inuu ku asturo shaqadooda, kana yeelo kuwii si daacada, oo wanaagsan u gutaan.

Xukuumadda cusub oo ah mid tira ahaan kooban ayaa laga soo dhaweeyay guud ahaan Puntland, iyadoo shacabka ay ugu baaqeen Baarlamanka inuu meel-mariyo, islamarkaana lala shaqeeyo si ay uga soo dhalaalaan waajibaadka loo igmaday. 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM