Goobaha ganacsiga Boosaaso oo dib loo furayo

Image

BOOSAASO, Puntland – Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Arbacada maanta ah wuxuu shaaca ka dhigay in xal laga gaarey xirnaanshiyaha goobaha ganacsiga ee Boosaaso.

Dhabancad ayaa tilmaamay in natiijadaas ay kasoo baxdey wadahadalo ay xarunta gobolka Bari kula yeesheen Rugta Ganacsatadda, isaga oo intaas ku daray in mehradaha dib loo furi doono ugu dambeyn gelinka dambe ee maanta.

Xirnaanshiyaha goobaha ganacsiga ee Boosaaso ayaa ka dhalatay sarre u kac ku yimid sarifka lacagta qalaad ama Doolarka iyo hoos u dhac ku yimid shilin Soomaaliga, arrintaasoo dowladda ay go'aano culus kasoo saartey.

Go'aanadda dowladda Puntland soo saartey waxaa kamid ah in lacagaha telefoonada aan lagu diri karin wax ka yar Hal Doolar iyo in ganacsatadda ay shilin Soomaaliga socod-siiyaan. Go'aanadaas way dhaqan-galeen qaarkood.

Isaga oo shalay caasimadda Garowe kula hadlay ganacsatada iyo waxgaradka, madaxweyne Deni ayaa faray Bangiyada iyo Xawaaladaha in ay qaataan shilin Soomaaliga una sheegay in talaabo laga qaadayo hadii ay fulin waayaan.

Sidda laga soo xigtey wasiir Dhabancad, dekadda Boosaaso ayaa kamid ah goobaha gelinta dambe ee maanta dib loo bilaabi doono shaqooyinkooda caadiga ah.

"Waxaan xoojinayaa baaqa Rugta Ganacsatada ee in shilin Soomaaliga la socod-siiyo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir Dhabancad.

Xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dayacdey kaalinteeda, Puntland oo hormuud u ah nidaamka federaalka Soomaaliya ayaa ah meesha kaliya ee cashuurta dowladda lagu qaado iyo mushaharka lagu bixiyo Shilin Soomaali.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM