Guddi Is-casilaad u gudbiyey Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani

Image

GAROWE - Guddiga doorashada KMG ee Puntland (TPEC) ayaa warar lagu kalsoon yahay waxay u sheegeen warsidaha Garowe Online iney qoraal is-casilaad ah u gudbiyeen Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdulahi Dani, qoraalkaas oo sidoo kale loo gudbiyey Gudoomiyaha aqalka Wakiilada Puntland.

Gudigaan oo ahaa mid la magacaabey dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiweli Cali Gaas ayaa ahaa mid fadhiid ah kaasoo aan qaadin talaabooyin  mamulka Puntland ku gaari karo doorasho Hal Cod iyo Hal Qof ah.

Xubnaha gudigaan oo ka kooban 9 xubnood ayaa 5 kamid ah waxaa sharciyan magacaaba Madaxweynaha Puntland halka Afarta xubnood ee kale ay soo xulaan aqalka Wakiilada Puntland.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulahi Dani oo horey u sheegay iney ka go’an tahay in nidaamka xisbiyada badan ka  hirgaliyo maamulkaan mudada uu xilka hayo ayaa damacsan inuu guddi cusub soo magacaabo dhowaan. 

Puntland ayaa ku guuldareysatey mudadii 21 sano aheyd ay jirtey iney gaarto nidaamka doorasho oo xor ah iyadoo Dastuurka ay ku dhaqanto shuruucdiisu waafaqsan tahay nidaamka xisbiyada badan.

Sanadkii 2013 ayay aheyd markii dowladii Madaxweynaha uu ka ahaa Farole isku daydey hirgalinta nidaamka dimuqaraadiyada balse waxaa ka horyimid siyaasiyiin rajo ka leh iney talada dalka kula wareegaan habka qabaliga ah ay beelahu ku soo xushaan aqalka Wakiilada kaas oo Puntland ku dhaqanto waqtigaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM