Guddi qayb ka noqonaya gurmadka Gardafuu oo la magacaabay

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa magacaabay Guddi culimo ah.

Sidda lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Karaash, guddigan oo madax banaan ayaa qayb ka noqonaya gurmadka Gardafuu.

Gobolkaan ayaa waxaa ka jirta dhibaato culus kadib markii uu ka da’ay roobab lixaad leh oo caqabad ku keenay isu socodkii gaadiidka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah, kuwaasi oo qayb ka noqonaya Gurmadka Gobolka Gardafuu.

Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka duulaya xaaladda bini'aadamtinimo ee ka jirta gobolka Gardafuu, taasi oo saamayn ku yeelatay nolosha shacabka ku dhaqan deegaanada gobolkaasi ayaa waxa uu magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah oo qayb ka noqonaya gurmadka loo fidinaayo shacabka gobolkaasi.

Guddiga oo ka kooban lix xubnood ayaa kala ah sidan

1. Sheekh Fu'aad Maxamed Xaaji Nuur, Guddoomiye.
2. Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, Guddoomiye Ku-xigeen.
3. Sheekh Daahir Aw Cabdi, Xubin
4. Sheekh Maxamed Macalin Axmed, Xubin
5. Sheekh Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir, Xubin
6. Sheekh Maxamed Cabdullaahi Cabdalle, xoghayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM