Guddiga diyaarinta Sharciga Doorashooyinka oo ka degay Garowe

Image
Image

GAROWE, Puntland - Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa lagu soo dhaweeyay Garoowe, caasimadda dowladda Puntland.

Wafdiga ayaa waxaa qaabilay ayaa habdhowraha Golaha Shacab federaalka Xildhibaan Maxamed Xasan Nuux iyo qaar ka mid ah mudaneyaasha Golaha wakiiladda Puntland.

Ujeedka safarka xubnahan ayaa ah sidii ay wadatashiyo ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka ula yeelan la haayeen mas’uuliyiinta Puntland iyo qeebaha kala duwan ee bulshada.

Socdalakan ayaa noqonaayo kii labaad oo ay guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ku tagaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Caasimadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayay horey u tageen, waxaana ay kulmeen madaxda, ururada bulshadda iyo haweenka.

Guddigan ayaa waxaa magacaabay afhayeenka Aqalka Hoose ee Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, kadib markii sharcigii horey ay kasoo horjeesteen maamul goboledyadda qaar.

Sababta keentay in ay maamuladda qaadaceen ayaa la sheegay in ay salka ku hayso muddo kordhin la sheegay in uu siinayo madaxda dowladda federaalka ah.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan uga digay hogaanka waddanka in ay muddo kororsi sameeyaan, isaga oo ku tilmaamay hadii ay dhacdo "dib u dhac horleh".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM