Guddiga doorashada Gollaha Wakiilada Puntland oo la magcaabay [Akhri magacyadda]

Image

GAROWE, Puntland - Gudoomiyaha Ku-meel gaarka ah ee Gollaha Wakiiladda Puntland, Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa soo saarey maanta oo Arbaco ku dhawaaqey Guddiga Doorashadda Guddoonka rasmiga ah ee Baarlamanka.

Guddiga doorashada ayaa ka kooban todobo Xildhibaan, kuwaasoo kala ah:

1 - Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Abtiile [Gudoomiye]

2 - Xildhibaan Cali Axmed Saalax

3 - Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Ciise 

4 - Xildhibaan Axmed Jaamac Diiriye

5 - Xildhibaan Fu'aad Axmed Abshir

6 - Xildhibaan Cawil Xasan Daad

7 - Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre

Xildhibanada ayaa meel-mariyay Guddiga cusub ee maamuli doono doorashadda Gudoonka Gollaha Wakiiladda Puntland, taasoo la filayo inay dhacdo maalinta Jimcada ee soo aadan, 4ta January ee 2019.

Guddiga waxaa kala shaqeynaya doorashadda Gudoomiyaha Baarlamanka iyo ku xigeenkiisa labo mas'uul oo kale kuwaasoo lagu kala magacaabo, Xoghayaha Guud C/risaaq Xidig Warsame iyo C/qaadir C/raxmaan Maxamed, oo ah Xogyahaha Guddiga.

Doorashadda ayaa la filayaa inay dhacdo todobaadkan, iyadoo 8-da bishan la dooran doono Madaxweynaha cusub ee Puntland, iyadoo xilkan ay u tartamayaan musharaxiin ka badan 20, oo uu ku jira Cabdiweli Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM