Guddoomiye cusub oo loo magacaabay gobolka Nugaal

Image
Isbedelkan ayaa yimid xilli caasimada Garowe ay muddooyinkii lasoo dhaafay soo wajaheen dhacdooyin liddi ku ah amniga.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida maanta ah soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 2da October 2021, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Sida laga soo xigtay wareegtadan lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooyada, Waxaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Cawil Mataan ayaa, sida ku xusan digreetadan ku taariikheysan 2-da October uuna arkay warsidaha Garowe Online, waxaa lagu xushay Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Isbedelkan ayaa kusoo beegmaya xilli caasimada Garowe ay muddooyinkii lasoo dhaafay soo wajaheen dhacdooyin liddi ku ah nabad-gelyadda kuwaasoo isugu jira dilal iyo dhaca hubeysan.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddi u magacaabay dardargelinta iyo kasoo talabixinta Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan kan Caasimadda.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Deni oo lagu daabacay ciwaanka Madaxtooyadda ee Facebook-ga ayaa kusoo beegmay xilli magaala madaxda ay todobaadyadii dambe wajahdey amni darro.

Magacyadda xubnaha Guddiga ayaa kala ah:

1. Gen. Bashiir Cabdi Maxamed (Guddoomiye)

2. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (Xubin) 

3. Cabdirisaaq Ciise Xuseen (Xubin) 

Saddex dhacdo oo liddi ku ah amniga ayaa laga diiwaan-geliyey Garowe asbuucii hore. Falalkaas waxay soo cusbooneysiiyeen walaaca dadka qaar ka muujinayaan nabad-galyada magaala madaxda.

Garowe Online oo u kuur-galay ayaa la hadlay shacab iyo saraakiil ciidan. Maxsuulka baaritaanka waxay muujineysaa in sababta ay salka ku hayso maandooriyaha oo kusoo batay magaala madaxda.

Xukuumadda Deni ayaa ku guuleysatay ammaanka meelo ay ugu horeyso Gaalkacyo, dib-u-habeynta ciidamada soona saarto cutubyo horleh. Balse, waxaa muuqata in caasimadda uu amnigeedda sii liicayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM