Gudoomihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo geeriyoodey

Image

GAROWE, Puntland - Waxaa saaka oo Sabti ah magaaladda Garowe ku geeriyoodey gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka dowladda Puntland, C/rashiid Maxamed Xirsi.

Allah ha u naxariistee C/rashiid ayaa xilal kala duwan kasoo qabtey labadii dowladood ee ugu dambeysay ee Puntland, iyadoo maamulkii Farole soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka 2009-2013.

Markii ugu dambeysay waxa uu Xukuumadii C/weli Gaas ka qabtey xilal uu kamid yahay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka badda Puntland.

Xanuun mudooyinkii damabe la jiifay ayuu AUN C/rashiid u geeriyoodey, sida ay xaqiijiyeen siyaasiyiin ay isla soo shaqeeyeen, oo ku sugan Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM