Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka PL oo la doortay

Image

GAROWE, Puntland - Doorashada ku xigeenka koowaad ee Afhayeenka Gollaha Wakiilada baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Garowe, ee xarunta gobolka Nugaal.

Xilkaan ayaa waxaa isku soo taagtay inay qabato illaa iyo Lix musharax, kuwaasi oo kala ahaa:-

1. Gen Abdi Aziiz Saed Mohamud

2. Abukaate Abdi Aziiz Abdullahi Osmaan

3. Abdullahi Yusuf Qaylo

4. Abdi Hamid Abdi Salaan Isse

5. Abdi Rahmaan Hassan Saed

6. Jama Yasiin Jama

Wareegga koowaad ee cod-bixinta waxaa kusoo baxay Jenaraal Cabdicasiis, Abukaate, Cabdicasiis iyo Cabdi Xamiid, markii ay heleen codadka ugu badan, xili ay iska hareen tartamayaasha.

Musharaxiinta helay codadka ugu badan wareega 1aad ayaa kala ahaa; Abukaate Abdi Aziiz, 28 cod, Gen Abdi Aziiz Saciid, 12 cod iyo Cabdixamiid oo isna ay ucodeeyeen 11 Xildhibaan.

Wareega labaad ayaa waxaa kusoo baxay Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan, kaasi oo helay 38 cod, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii kusoo dhowaa oo ahaa Cabdixamiid oo uruur-saday 14 cod.

Musharaxa saddexaad oo ahaa Jenaral Cabdicasiis ayaa isna waxa uu helay 13 cod, taasi oo ka dhignaan lahayd in hadii uusan tanaasulayn Cabdixamiid inuu ku hari lahaa wareegga labaad.

Doorashadaan ayaa horudhac u ah midda Madaxwaynaha dowladda Puntland oo lagu wado inay qabsoonto 8-da bishaan Janaayo 2019, taasi oo ay ku baratamayaan in ka badan 30 Musharax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM