Gudoomiyihii maxkamada sare Puntland oo ku dhintay Turkiga

Image

ANKARA, Turkey – Alle ha u naxariistee waxaa magaaladda Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ku geeriyoodey gudoomiyihii maxkamada sare ee dowladda Puntland.

Yuusuf Xaaji Nuur oo xanuunsanaa mudooyinkii dambe ayaa waddankaasi loo geeyay xaalado la xiriira caafimaad, sidda ay xubno kamid ah qoyskiisa u xaqiijiyeen Garowe Online.

Dr Nuur oo markii ugu dambeysay xilkan u magacaabey madaxweyn Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] bishii Agoosto 2016-kii ayaa xafiiska joogey muddo saddex sano ah.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in aas qaran oo madax kala duwan ay ka qeybgasho loo sameeyo.

Marxuumku oo dowlada Soomaaliya kasoo qabtay xilal kala duwan ayaa ahaa masuulkii ugu horeeyey ee loo magacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland.

Sidoo kale waxa uu qayb ka ahaa bud-dhigayaashii Puntland, isagoona qabtay xilal kale oo muhiim ah, kuwaasi oo uu ugu qareemay horumarka dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM