Soo dhaweynta madaxda maamulada iyo DF oo ka socota Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Waxaa magaalada Garowe ka socda soo dhoweynta wafdiyada ay kala hogaaminayaan madaxda maamulada Soomaalida iyo Dowlada Federaalka.

Wafdiyadaan ayaa waxaa soo dhoweynaya Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, xubnaha golihiisa xukuumada iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.

Qaabilaada madaxda imaaneysa ayaa ka duwan kuwii hore markii Dowlada Puntland uu ka soo baxey go’aan ah in uusan jirin isa soo bixid dadweyne oo lagu soo dhaweyn ah.

Madaxda dowladda ayaa kaliya qaabili doonan wafuuda, sida ka muuqatay soo dhaweyntii hogaamiyaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Sidda uu xogta ku helayo warsidaha Garowe Online, sababta loo baajiyey isu soo baxa dadweynaha ayaa salka ku haysa saddex arrimood oo waawayn.

Kuwaas oo kala ah; abaaraha dalka ka jira, cad-cadeeda oo kulul iyo siyaasada Deni oo ah in aan isu soo bax joogta ah loo sameyn madaxda maadaama ay dhib ku tahay shacabka.

Madax kale oo ka tirsan dowlada federaalka ah ayaa la filayaa in ay saacadaha soo aadan ay ka degaan magaalada Garowe, kuwaasi oo ka qaybgalaya shir berri halkaasi ka furmaya.

Shirka oo socon doona maalmo qorshuhuna yahay in lasoo xiro kahor bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa ah wadatashi lagu falanqeyn doono xaalada siyaasadeed ee dalka.

MUUQAALKA SOO DHAWEYNTA LAFTA GAREEN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM