Habraaca doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Puntland oo lasoo saarey

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga doorashada Madaxwaynaha Puntland ayaa soo saarey Hab-raaca ku wajahan qaabka ay uqabsoomeysa coddeynta loo balansan yahay 8-da bishaan Janaayo 2019, oo ay saddex maalin naga xigto.

Ugu horeyn, kooxda qaban-qaabadda doorashadda ayaa ku dhawaaqday in maanta oo Sabti ah 5-ta bisha Janaayo 2019 ay si rasmi ah ubilaabayaan diiwaan-gelinta utartamayaasha xilka Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Puntland.

Musharax kasta ayuu Guddigu daboolka ka qaaday in laga doonayo aduun lacageed dhan 20-kun oo Dollar-ka Mareykanka, halka Musharixiinta Madaxweyne ku xigeenka laga rabo 10-kun, inkasta oo aanan la shaacin mudada ay ku eg-tahay.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, Musharax kasta waxa uu saxiixayaan warqad ay ku cadahay inuu ku qanci doono natiijo kasta oo kasoo baxda Guddiga, kahor inta aysan bilaaban coddeynta.

Maalinta Isniinta ah, 7-da Janaayo, maalin kahor coddeynta, ayay guud ahaan Musharaxiinta ka horjeedi doonan Gollaha Wakiilada Barnaamijkooda siyaasadeed, iyada oo mid kasta uu heli doono 15-daqiiqo.

Ugu dambeyntii, Guddiga oo fahfaahiyay qaabka ay udhaceyso doorashada ayaa sheegay inay mari doonto saddex wareega oo mid kasta ay usoo gud-bayaan Musharaxa hela codadka ugu badan, inta laga helayo guuleystaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM